Positive Behavior Support Somali Edition, Episode 3: Noticing Feelings

For materials on this topic in English, Spanish, and Somali

Caregiver pouring liquid into plastic cup while preschoolers surround her to watch.

Qaybta Labaad, Qayb hoosaadka Sadexaad: Aqoonsashada Dareenka—Barida Dareenka Akhriska iyo qoraalka iyo Xeerarka

Qaybta Labaad, Qayb hoosaadka Sadexaad: Aqoonsashada Dareenka—Barida Dareenka Akhriska iyo qoraalka iyo Xeerarka

Carruurtu waxay si fiican diirada u saaraan marka ay bartaan xirfadaha aqoonsashada, fahanka, iyo ka jawaabcelinta dareenkooda gaarka ah. Qayb hoosaadkaan wuxuu kula wadaagayaa qaababka aad carruurtaada uga taageeri lahayd xakameynta dareenkooda gaarka ah iyo siday kor ugu qaadi lahaayeen dareenka akhriska iyo wax qorista iyo sidoo kale hadalka. Marka ay sameeyaan sidaas waxay ilmaha kale ula xariiri karaan qaab habboon, waxayna joogteeyaan waxbarashada!

Hadda daawo: Qaybta Sadexaad Ogaysiis Dareen: Barida Akhriska Shucuurta iyo Nidaaminta!

Somali

English

Circle Time Magazine, Bandhiga! Nuqul kasta oo kamid ah Circle Time Magazine waxa kujira muuqaal waxbarasho oo ku baxaaya qaab bandhig hadaleed ah. Daawo muuqaalkaan si aad wax badan uga barato qaabka carruurta looga caawiyo inay dhisaan dareenkooda akhriska iyo wax qorista iyo xirfadaha dareenka is-xakameynta.

Circle Time Magazine, Daabacan! Soodegso nuqulkaaga!

Screenshot of cover and pages 12 and 13 of edition 3.

Si aad wax badan uga barato Taageerada Dabeecada Wanaagsan (Positive Behavior Support, PBS) iyo qaababka kor loogu qaado dareenka eray bixinta carruurta iyo xirfadaha deganaanta, soo degso nuqulka daabacan ama fiiri joornaalka oonleenka ah.

Akhri Buuggaagta ...

adoo adeegsanaaya liiska buuggaagtaan loogu talagalay carruurta jira 0-5 sano ee la xariira mawduuca qayb hoosaadka.

Buuggaagtu waa agab aad u awood badan oo waxna laga barto waxna dadka laga baro.  Isticmaal buugaagtaan si ay carruurtaada uga caawiyaan inay aqoonsadaan ayna fahmaan dareeno badan oo kala duwan ay la kulmaan.

Talooyinka Buugaagta Labada Luuqadood:

  • Goorta Aan Ahay (When I am) oo ay soo saartay Gladys Rosa-Mendoza
    (Labo luuqadood: When I Am/Cuando estoy)
  • Dareenada (Feelings) oo ay soo saartay shirkada Millet Publishing(
    Labo luuqadood: Feelings/Sentimientos)
  • Maanta Waxaan dareemayaa Nacasnimo iyo Dareeno kale Oo Maalintayda Qayb Ka qaadanaaya (Today I Feel Silly & Other Moods That Make My Day) oo ay soo saartay Jamie Lee Curtis
    (Labo luuqadood: Hoy me siento tonta/Today I Feel Silly)
  • Marka Sophie Xaqiiqdii, Xaqiiqdii Xanaaqdo (When Sophie Gets Really, Really Angry) oo ay soo saartay Molly Bang (Labo luuqadood: When Sophie Gets Really, Really Angry/ Cuando Sofía se enoja, se enoja de veras)
  • Sidee Dinosaurs u dhahdaa waan Waalanahay (How do Dinosaurs Say I’m Mad) oo ay soo saartay Jane Yolen (Labo luuqadood: How do Dinosaurs Say I'm Mad/ ¿Cómo dicen estoy enojado los dinosaurios?)

Talooyin Buugagta:

  • F waxaa loogu talagalay Dareenada (F is for Feelings) oo ay soo saareen Goldie Millar iyo Lisa Berger
  • Sameynta Wajiyo (Making Faces): Buugga Kowaad ee Shucuurta (A First Book of Emotions) oo uu soo saaray Abrams Appleseed
  • Bugga Dareenka oo uu soo saaray Todd Parr
  • Goorta Dareenk Sophie uu yahay Dhab, Xaqiiqdii Wa dhib (When Sophie’s Feelings are Really, Really Hurt) oo ay soo saartay Molly Bang 
  • Goorta Dareenk Sophie uu yahay Dhab, Xaqiiqdii Wa dhib (When Sophie’s Feelings are Really, Really Hurt) oo ay soo saartay Molly Bang 
  • Dareenkayga Shucuurta Qaboow (My Cold Plum Lemon Pie Bluesy Mood) oo ay soo saartay Tameka Fryer Brown
  • Maalmahayga Qaboow ee Midabka leh (Many Colored Days) oo ay soo saartay Dr. Seuss
  • Baluugayga waa Faraxsan yahay (My Blue is Happy) oo ay soo saartay Jessica Yount 
  • Dareemida Dareen Xun (Grumpy Pants) oo ay soo saartay Claire Messe

Ilaha waxtarka leh—Qaybta Sadexaad: Barista Akhriska Shucuurta iyo Nidaaminta

Si qoto dheer U Baro...

... adoo adeegsanaaya akhriskaan dheeraadka ah ee la aruuriyay ee ku saabsan mawduuca ugu muhiimsan ee qayb hoosaadkaan.

Iskuday Hawlahaan Waxbarashada ...

iyo hormarinta dhaqankaaga adoo gacan ka geysanaaya hawlahaan loogu talagalay inay kaa caawiyaan sidii aqoontaada aad usoo bandhigi lahayd

Si Ficil ahaan u arag ...

adoo adeegsanaaya tusaalayaashaan muuqaalka ah ee muujinaya fikradaha looga hadlay bandhiga iyo joornaalka, ku dhaqan

MILICSO EEXDA IYO DABEECADA...

Ayadoo la adeegsanaayo ilaha loogu talagalay in kor loogu qaado wacyigelinta gaarka ah iyo wax ka qabashada eexda aan habboonayn ee u badan inay saameyn ku yeelanayso barnaamijkaaga carruurta.

TURJUMAADA OGEYSIISKA: Fadlan ogsoonoow inay jiri karaan farqi yar iyo waxyaabo yaryar oo ay ku kaladuwan yihiin oo u dhaxeeya qoraalka lasoo dhajiyay, kan lasoo daabacay, ama kan elektarooniga ah ee ku qoran Ingiriiska iyo turjumaadiisa Isbaanishka, sababo la xariira in lagu sameeyay muraajaceyn iyo cusbooneysiinta lagu sameeyay noocyada kaladuwan ee dukumiintiga.

Nala Soo Xariir

Fadlan nagala soo xariir cultiv8@uw.edu haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Circle Time Magazine. Lasoco boggaga Cultivate Learning ee Facebook-ga iyo Instagram-ka si aad ula socoto shaqada ugu danbeysa ee aan hadba gacanta ku hayno.

Wax badan ma dooneysaa inaad ka oggaato Circle Time Magazine?

Waxaan kuu haynaa qaybo hoosaad badan oo aad dulmari karto. Fiiri Xog badan oo ku saabsan Qaybta  labaad.

Stay Connected