For materials on this topic in English, Spanish, and Somali

Circle Time Magazine Somali Edition hosts, Maryam Diriye and Samira Noor, sitting in brown chairs looking at the screen.

Kusoo dhowoow Qaybta Labaad ee Circle Time Magazine

Kusoo dhowoow Qaybta Labaad ee Circle Time Magazine

Kusoo dhowoow Qaybta Labaad ee Circle Time Magazine

Nagula soo biir qaybta labaad ee Circle Time Magazine, CTM oo ah taxane ku saabsan horumarka xirfadaha gaarka ah oo ku baxa bandhig sheeko oo kabaxa web, joornaal, iyo ilaha oonleenka ah ee qayb hoosaad kasta. Qaybtaan waxaa awooda la saarayaa dhaqamada muhiimka ah ee Taageerada Dhaqanka Habboon (Positive Behaviour Support, PBS) ee kor u qaada kobaca xirfada iyo dareenka bulshonimo ee carruurta iyo sidoo kalena hormariya dhaqanka dabeecada wanaagsan. Wax ka baro muhiimada aasaasiga ah ee dhisidda cilaaqaadyada kalsoonida iyo diyaarinta deegaan taageero ah, baro xeelado kor loogu qaadaayo xirfadaha xallinta dhibaatada iyo luuqadda dareenka ee carruurta, iyo kordhinta awoodda aad u leedahay inaad siiso taageero dheeraad ah carruurta leh dabeecad xunn oo joogta ah ama mid aad uga daran.

Hosts, Maryam and Samira at a desk. Maryam is smiling at the camera and Samira is holding a hand drawn book, titled "All About Me".

Kor u qaadista xirfadaha Dareenka Bulshada: Xiriirka waa Muhiim

2 screens side by side with hosts, Maryam and Samira, in one screen, and guest on another screen.

Saameynta Qorshe Hordhac ah: Deegaan Taageera Dabeecadaha Wanaagsan

2 screens side by side with hosts, Maryam and Samira, in one screen, and guest on another screen.

Aqoonsashada Dareenka: Barida Dareenka

Akhriska iyo qoraalka iyo Sharciyada

Two screens side by side.  Guest in front of laptop on left screen and hosts, Maryam and Samira, on the right screen sitting at a desk with a coffee cup, plant, and keyboard and mouse.

Dhibaatooyinka Fursad noqon kara: Barashada Xirfadaha Saaxiibtinimada iyo xallinta dhibaatooyinka

Hosts, Maryam and Samira, sitting at a desk with a coffee mug, plant, keyboard, and computer on the left screen.  On the right screen, a guest sits on a brown couch.

Wax ka qabashada Caqabadaha: Tilmaamaha iyo Taageerada

Ilaha Taageera Dabeecadaha Wanaagsan - Dulmarka Qaybta

Si Qoto Dheer U Baro...

adoo adeegsanaaya akhriskaan dheeraad ah ee la aruuriyay ee ku saabsan mawduuca ugu muhiimsan ee qayb hoosaadkaan.

Eraygo Bixinta Cusub...

waa agab yar oo kooban oo aad isticmaali karto marka aad ku hawlan tahay mawduuca qaybta.

Tixgelinta Eexda iyo Dabeecada...

ayadoo la adeegsanaayo ilaha loogu talagalay in kor loogu qaado wacyigelinta gaarka ah iyo wax ka qabashada eexda aan habboonayn ee u badan inay saameyn ku yeelanayso barnaamijkaaga carruurta.

Iskuday Hawlahaan Waxbarashada...

hormarina dhaqankaaga adoo gacan ka geysanaaya hawlahaan loogu talagalay inay kaa caawiyaan sidii aqoontaada aad usoo bandhigi lahayd.

La kulan Martiqaadayaasheena

Samira Noor Headshot

Samira Noor Mohamud
Samira Mohamud waa Khabiir ka tirsan Cultivate Learning oo qaabilsan Kobaca Xirfadaha Laba luuqadood. Waxay la shaqeyneysay Cultivate Learning muddo sideed sano ah. Samira waxay keentaa waayo aragnimo balaaran oo ku saabsan bixinta tababarada iyo hormarinta agabka Af-Soomaaliga si ay u taageerto bixiyaasha/xarumaha, shaqaalaha iyo agaasimaha. Samira waxay dhameysay Shahaadada koowaad ee Jaamacada (Bachelor Arts, BA) oo ku saabsan Waxbarashada Dhallaanka iyo Qoyska waxayna sidoo kale sameysay Waxbarashada Heerka Sare (Master of Education, M.Ed.) ee Jaamacada oo ku saabsan Manhajka iyo Tacliinta. Samira waxay hadda qoyskeeda kula nooshahay Tukwila waxayna jeceshahay safarada iyo inay waqti la qaadato ilmaha ay ilmo abtiga ama ilmaha adeerka yihiin.

Maryam Diriye Headshot

Maryam Diriye
Maryam Diriye waa Khabiir katirsan Cultivate Learning oo qaabilsan Kobaca Xirfadaha Laba luuqadood. Waxay Cultivate Learning ka shaqeynaysay muddo sideed sano ah waxayna si toos ah ula shaqeynaysay Kooxda Early Achievers iyo Barnaamijka Xanaanada Seattle (Seattle Preschool Program). Maryam waxay muujisay oo ay joogteysay in lagu haleyn karo marka laga sameeyay dhammaan noocyada qiimeynta ee la xariira Qiimeynta Deegaanka. Maryam waxay fududaysaa oo ay hogaamisaa Qiimeynta Qiyaasta Deegaanka ee la xariira tababarada, xogta kulanada, iyo webinarka bulshada ee dhaqamada. Waxay sameysay oo ay kusoo jeedisay tababarka labada luuqadoodba Soomaali iyo Ingiriis. Maryam waxay dhameysay shahaadada koowaad ee jaamacada oo ah xirfadaha Siyaasada iyo shahaadada heerka labaad oo ah Shaqada Bulshada. Maryam waxay jeceshahay dhalxiiska iyo inay waqti la qaadato qoyskeeda.

TURJUMAADA OGEYSIISKA: Fadlan ogsoonoow inay jiri karaan farqi yar iyo waxyaabo yaryar oo ay ku kaladuwan yihiin oo u dhaxeeya qoraalka lasoo dhajiyay, kan lasoo daabacay, ama kan elektarooniga ah ee ku qoran Ingiriiska iyo turjumaadiisa Isbaanishka, sababo la xariira in lagu sameeyay muraajaceyn iyo cusbooneysiinta lagu sameeyay noocyada kaladuwan ee dukumiintiga.

Nala Soo Xariir

Fadlan nagala soo xariir cultiv8@uw.edu haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Circle Time Magazine. Lasoco boggaga Cultivate Learning ee Facebook-ga iyo Instagram-ka si aad ula socoto shaqada ugu danbeysa ee aan hadba gacanta ku hayno.

Wax badan ma dooneysaa inaad ka oggaato Circle Time Magazine?

Waxaan kuu haynaa qaybo hoosaad badan oo aad dulmari karto. Fiiri qaybo iyo qayb hoosaadyo badan ee hadda la heli karo.
.

Stay Connected