Positive Behavior Support Somali Edition, Episode 4: Problems as Opportunities

For materials on this topic in English, Spanish, and Somali

Two toddlers, one boy and one girl, play in a sandbox with sand toys near them.

Qaybta Labaad, Qayb hoosaadka Afaraad: Dhibaatooyinka Fursad Noqon Kara—Barashada Dhibaatada—Xirfadaha Xallka

Qaybta Labaad, Qayb hoosaadka Afaraad: Dhibaatooyinka Fursad Noqon Kara—Barashada Dhibaatada—Xirfadaha Xallka

Carruurta leh saaxiibtinimada adag ee ku shaqayn kara dhibaatooyinka bulshada qaabab wax soo saar leh waxay u badan tahay inay abuuraan xiriir caafimaad leh oo waqti dheer ah oo ay guul weyn ka gaaraan dugsiga. Qayb hoosaadka afaraad waxaa lagu bartaa qaabab badan oo aad ku kobcin karto saaxiibtinimada aadna ku bari karto carruurta xirfadaha looga baahan yahay si wax uga qabtaan khilaafaadka, arrintaas oo ay ka dhalanayso, inuu aad u yaraado dhaqanka dhibaatada ah ee ka jira goobta waxbarashada hore ee caruurta.

Hadda Daawo nuqulka Afaraad!

Somali

English

Nuqul kasta oo kamid ah Circle Time Magazine waxa kujira muuqaal waxbarasho oo ku baxaaya qaab bandhig hadaleed ah. Nagula soo biir Qayb hoosaadka afaraad si aad wax badan uga barato ka caawinta carruurta inay dhistaan xirfadahooda akhriska iyo qoraalka iyo xirfadahoodan xakameynta dareenka. 

Soodegso nuqulkaaga!

Screenshot of cover and page 9 and 10 of edition 4.

Si aad wax badan uga barato Taageerada Dabeecada Wanaagsan (Positive Behavior Support, PBS) oo ay wehliyaan qaababka loo kobciyo xariirka carruurta u dhaxeeya iyo si aad u siiso xirfadaha ay u baahan yihiin si ay wax uga qabtaan khilaafaadka una xalliyaan dhibaatooyinka ay wajahaan, soo degso nuqulka daabacan ama ku akhri joornaalka oonleenka.

Akhri Buuggaagta...

Marka aad akhrido buuggaan liiska kujira waxaad carruurta ka caawinaysaa inay dhistaan xirfadaha bulshada iyo kuwa dareenka.

Talooyinka Buugaagta Labada Luuqadood:

  • Gossie & Gertie – Olivia Dunrea
    (Labo luuqadood: Gossie & Gertie / Gansi y Gertie)
  • Taxanaha Maroodiga iyo Doofaarka (Elephant & Piggie series) – Mo Willems (Isbaanish: Elephant & Piggie series)
  • Qalcada Yar ee Cassaanka ah (Little Red Fort) – Brenda Maier & Sonia Sanchez(Spanish: El Fuertecito Rojo)
  • Dhammaanteen waxaan nahay Dad Layaab leh (We’re All Wonders) – R.J. Palacio (Isbaanish: Todos Somos Únicos)

Talooyin Buugagta:

  • Dawacadu waxay Sameysaa Saaxiibo (Fox Makes Friends) –Adam Relf
  • Ku biir Ciyaarta (Join in and Play) – Cheri Meiners
  • Hadal oo Banaanka U Bax (Talk and Work it Out) – Cheri Meiners
  • Gerigu Wuxuu La kulmay Shinbir (Giraffe Meets Bird) – Rebecca Bender
  • Bakeyluhu wuxuu Dhageysanayaa (Rabbit Listened) – Cori Doerrfeld
  • ABC daada iyo Tayda (ABC for You and Me) – Meg Girnis
  • Sheekada Labo Hooyo (A Tale of Two Mommies) – Vanita Oelschlager
  • Dharka Cusub ee Jacob (Jacob’s New Dress) – Sarah Hoffman iyo Ian Hoffman
  • Mommy’s Khimar – Jamilah Thompkins-Bigelow
  • Baloogyada (Blocks) – Irene Dickson
  • Qalcada Yar ee Cassaanka ah (Little Red Fort) – Brenda Maier & Sonia Sanchez

Ilaha waxtarka leh—Qaybta Afaraad: Barista Dhibaatooyinka Xallinta iyo Xirfadaha Saaxiibtinimada

Si Qoto Dheer U Baro...

adoo adeegsanaaya akhriskaan dheeraadka ah ee la aruuriyay ee ku saabsan mawduuca ugu muhiimsan ee qayb hoosaadkaan.

Iskuday Hawlahaan Waxbarashada...

oo hormari dhaqankaaga adoo gacan ka geysanaaya hawlahaan loogu talagalay inay kaa caawiyaan sidii aqoontaada aad usoo bandhigi lahayd.

Si Ficil ahaan u arag...

adoo adeegsanaaya tusaalayaashaan muuqaalka ah ee muujinaaya fikradaha looga hadlay bandhiga iyo joornaalka, ku dhaqan.

Ku Milicso Eexda iyo Dabeecada...

ayadoo la adeegsanaayo ilahaan loogu talagalay in kor loogu qaado wacyigelinta gaarka ah iyo wax ka qabashada eexda aan habboonayn ee u badan inay saameyn ku yeelanayso carruurta barnaamij kaaga ku jira.

TURJUMAADA OGEYSIISKA: Fadlan ogsoonoow inay jiri karaan farqi yar iyo waxyaabo yaryar oo ay ku kaladuwan yihiin oo u dhaxeeya qoraalka lasoo dhajiyay, kan lasoo daabacay, ama kan elektarooniga ah ee ku qoran Ingiriiska iyo turjumaadiisa Isbaanishka, sababo la xariira in lagu sameeyay muraajaceyn iyo cusbooneysiinta lagu sameeyay noocyada kaladuwan ee dukumiintiga.

Nala Soo Xariir

Fadlan nagala soo xariir cultiv8@uw.edu haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Circle Time Magazine. Lasoco boggaga Cultivate Learning ee Facebook-ga iyo Instagram-ka si aad ula socoto shaqada ugu danbeysa ee aan hadba gacanta ku hayno.

Wax badan ma dooneysaa inaad ka oggaato Circle Time Magazine?

Waxaan kuu haynaa qaybo hoosaad badan oo aad dulmari karto. Fiiri Xog badan oo ku saabsan Qaybta  labaad.

Stay Connected