For materials on this topic in English, Spanish, and Somali

Child's hand pointing to "loved" feeling of feelings chart. Different facial expressions representing different feelings surround the headline "This is how I fell today!"

Qaybta Labaad, nuqulka Shanaad Wax ka qabashada Caqabadaha Dabeecada: Tilmaamaha iyo Taageerada

Qaybta Labaad, nuqulka Shanaad: Wax ka qabashada Caqabadaha Dabeecada: Tilmaamaha iyo Taageerada

Nuqulladii hore ee qaybtaan waxaanu ka hadalnay muhiimada ay leedahay dhisitaanka cilaaqaad daryeel oo jawaab celin leh, xeeladaha kahortaga iyo qaabka taageerada habdhaqanka wanaagsan qayb uga yahay habka wax barida, iyo sida loo baro xirfadaha dareenka bulshada carruurta yaryar. Hadda nuqulka shanaad waxay ku baran doonaan sida loo oggaado marka caruurta wax yar oo dheeraad ah u baahan yihiin, iyo waxa ay tahay in la sameeyo marka aad arrintaas oggaato. 

Hadda Daawo nuqulka Shanaad!

Somali

English

Nuqul kasta oo kamid ah Circle Time Magazine waxa kujira muuqaal waxbarasho oo ku baxaaya qaab bandhig hadaleed ah. Nagula soo biir nuqulka shanaad si aad wax badan uga barato qaabka loo eego dabeecada caruurta loona abuuro qorshaha taageerada dabeecada, oo ay wehliyaan xeeladaha waxbarashada gaarka ah.

Soo degso nuqulkaaga!

Screenshot of cover and page 7 and 8 of Circle Time Magazine, Edition 5.

Si aad u barato xog badan oo ku saabsan Taageerada Dabeecada Wanaagsan (Positive Behavior Support, PBS) oo ay wehliyaan xeeladaha waxbarashada gaar ahaaneed marka loo baahdo soo degso nooca daabacaada ama fiiri joornaalka oonleenka.

AKHRI BUUGGAAGTA...

... oo leh liiska buugan si uu uga caawiyo carruurta inay dhistaan xirfado bulsho iyo shucuureed

Talooyinka Buugaagta Labada Luuqadood:

  • Sheyga Ugu muhiimsan (Most Magnificent Thing) oo uu qoray Ashley Spires
  • Pete Bisida Aan Jeclahay Kabahayga Cad (Pete the Cat: I Love My White Shoes) oo ay qoreen Eric Litwin iyo James Dean

Talooyin Buugagta:

  • Hoot & Peep oo ay qoreen Lita Judge
  • Xakameynta Dareenka iyo Xiriirka Adag ee Bulshada (Socially Strong, Emotionally Secure): 50 Nashaadaad oo Kor Loogu Qaadayo Adkeysiga Carruurta Yaryar (50 Activities to Promote Resilience in Young Children) oo ay qoreen Nefertiti Bruce, Karen Cairone
  • Xirfadaha Hal abuurka La qabsiga Oo Badan (More Creative Coping Skills for Children: Activities, Games, Stories, and Handouts to Help Children Self-Regulate) oo ay qortay Bonnie Thomas
  • Dib usoo kabsasho samee (Bounce Back) oo ay qoreen Cheri J. Meiners iyo Elizabeth Allen

Ilaha waxtarka leh—Qaybta Shanaad: Deegaannada Taageera Dabeecadaha Wanaagsan

SI QOTO DHEER U BARO...

iyada oo ururintan akhriska dheeraadka ah ee mawduucyada ugu muhiimsan ee qayb kasta.

ISKUDAY HAWLAHAAN WAXBARASHADA...

oo wanaaji ku-dhaqankaaga adoo ka qaybqaadanaya hawlahan loogu talagalay inay kaa caawiyaan inaad aqoontaada dhaqan geliso.

KU MILICSO EEXDA IYO DABEECAD...

agabkan si aad u kordhiso wacyigaaga oo aad wax uga qabato eexda miyir la'aanta ah ee laga yaabo inay saameyn ku yeelato carruurta barnaamijkaaga.

TURJUMAADA OGEYSIISKA: Fadlan ogsoonoow inay jiri karaan farqi yar iyo waxyaabo yaryar oo ay ku kaladuwan yihiin oo u dhaxeeya qoraalka lasoo dhajiyay, kan lasoo daabacay, ama kan elektarooniga ah ee ku qoran Ingiriiska iyo turjumaadiisa Isbaanishka, sababo la xariira in lagu sameeyay muraajaceyn iyo cusbooneysiinta lagu sameeyay noocyada kaladuwan ee dukumiintiga.

Nala Soo Xariir

Fadlan nagala soo xariir cultiv8@uw.edu haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Circle Time Magazine. Lasoco boggaga Cultivate Learning ee Facebook-ga iyo Instagram-ka si aad ula socoto shaqada ugu danbeysa ee aan hadba gacanta ku hayno.

Wax badan ma dooneysaa inaad ka oggaato Circle Time Magazine?

Waxaan kuu haynaa qaybo hoosaad badan oo aad dulmari karto. Fiiri Xog badan oo ku saabsan Qaybta  labaad.

Stay Connected